Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga iyo Siyaasadda ayaa ugu horreyn diiradda saaray Nabadgalyada isaga oo sheegay in Dowladda Xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in howlgallada ka dhanka ah ‘AlShabaab’ xoogga la saaray si looga gungaaro loogana saaro deegaannada ay gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gacanta Dowladda ay soo galeen deegaanno dhowr iyo toban sano ay maamulayeen ‘AlShabaab’ lana gaarsiiyay adeegyada Bulshadu u baahan tahay ee dowliga ah sida uu yiri.
Madaxweyne Xasan sheekh ayaa dalbaday in si wadajir ah la isku kaashado si loo gaaro guusha loo xarbinayo ee ah in Dowladdu qabsato dhulka ay ku sugan yihiin ‘AlShabaab’ ee katirsan Gobollada Dalka isla markaana la dhiirrageliyo ciidamada howlgallada wada.
“Magaaladaan waad garaneysaan sida ay hadda tahay waa alle mahadi, cadawga ma tagin ee wuu isku dayaa, si joogta ah ayay isku dayaan oo nama dhihin dadka Muqdisho war dadkaan aan u naxariisano oo nabad ayay mudan yihiin ee way kari waayeen, wuu gaatamayaa 24kii saac oo haddii uu heli karo meel yar uu kasoo duso wuu rabi lahaa, waxa aan rabnaa in loo midoobo dagaalka cadawga” Madaweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Haweenka ayuu ku booriyay in ay doorkooda ka qaataan dhiirragelinta ciidamada maadaama ay dusha u riteen sidii ay u diyaarin lahaayeen raashinka iyo saadka ay u baahan yihiin ciidanka sida wadajirka ah howlgallada ka dhanka ah ‘AlShabaab
Dhanka kale Waxa uu ka hadlay Arrimaha Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan Dowlad lagu noqon mid dadban maadaama 25 sano Soomaaliya kusoo Doorasho Dadban aanay ka tarjumeyn dowlad lagu kalsoonaan karin isla markaana uu Caalamka diiday sida uu hadalka u dhigay.
“Caalamku ma yaqaan Dowlad Doorasho Dadban Dowlad ku noqota, 25 sano ayaa nalagu dulqaatay mana na aqbalaayo, Ma naqaano waxa ay yihiin iyo waxa ay ka shaqeeyaan ayaa nala leeyahay, maanta meel aan soo gaarnay ayaa nalagu shardiyay oo ah ballan in aan qaadno in aan qabano Doorasho” Ayuu yiri Madaxweeyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag