October 29, 2025

Madaxweyne Xasan Oo Shir gudoomiyay shirkii maanta ee Golaha Wasiirada Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay In  Wasiirrada  ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.

Sidoo kale Kulanka   waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka.

Dhanka kale  waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*