January 15, 2026

Madaxweyne Xasan Oo Is Hortaag Ku Sameeyay Kulankii Nabada ee Beesha Agoonyargaabane

Sida aan ku helnay warbixinta ayaa sheegeeyso in dowlada Federalka Somaliya ay Hor istaag ku sameeysay Shir looga hadlayo Goaanka Beel weeynta agoonyar Gaabane ee Harti Abgal Abagal Cismaan Mudullod . Sida uu sheegay wabarka beesha Agoonyar Gaabane  kulankaasi ayaa ahaa mid looga hadlayo Xaalada Abaaraha Iyo Colaadaha Ka jIra Deeganada Ay beesha Agoonyar  degaan . .

Sidoo kale wabarka beesha ayaa sheegay in kulankaasi uusan aheeyn mid siyaasad looga hadlayo  kaliya uu ahaa kulan looga hadlaayo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira Deegaanada Beesha dagto.

 

Wabarka  Beesha Agoonyar gaabane C/qaadir  Macalim Maxamed ayaa sheegay in waraaq fasax ah ay markii hore ka soo qaateen wasaarada Aminiga Dowlada Federalka Iyo Maamulka G/Banaadir Iyo Talisyada Ciidamada Amniga Somaliya .

 

Hase ahaatee Ma dhicin kulankii beesha Agoonyar Gaabane Waxaana is hortaag ku sameeyay Ciidan ka socdo Dowlada Federaalka Somaliya Gaar ahaan Ciidan Ka Socda Villa Somaliya.

 Dhinaca kale Markii  Ciidanka wax laga weeydiiyay maxay tahay sababta aad u joojiseen shirka Beesha Agoonyar Gaabane  ?

Waxa ay ku jawaabeen Waa Amar   nalaga soo siiyay Xafiiska Madaxweeynaha Somaliya Xasan Shiiq Maxamuud Waxaana loo sheegay in shirkaasi u yahay Mid lagu Taageerayo Shirka Ka socdo Kismaayo ee Mucaaradka

Sida uu sheegay Wabarka C/qaadir  Macalim Maxamed  warbaahintana ku sheegay In shirkaasi uusan aheeyn Shir Siyaasadeed balse uu yahay Shir dhaqan Iyo Mid looga hadlayo Abaaraha ka jira Dalka iyo Deeganada Degto.

Sidoo kale waxaa nasiib Daro ah In Beelaha kale ee soomaaliyeed ay shir ku qabsan karaan Muqdisho  Balse halka Beesha agoonyar Gaabane aan loo ogoleeyn in ay shirar aayo ka talin ah ku qabsadaan  Magaalada Muqdisho. ayadoo lagu Riixayo Waxa ay isku beel Yihiin Madaxweynihii Hore Somaliya Sheekh Shariif Sheekh axmed. 

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Federaalka ayaa waqti ku bixisay in ay Is Hortaag ku sameeyso Horumarka Beesha Agoonyar Gabane  Waxana lagu Xasuusan karaa Dagaaladii Ka socday G/SH/DHEXE  EE AL-SHABAAB-

Dowlada Federalka Somaliya Gaar ahaan Xafiiska Madaxweeyne Xasan Shiiqa  ayaa culeeys Xoogan Saaray Beesha Agoonyar Gabane asigoo Hubka Iyo Saanada Ka Ilaaliyay  sababtoo ah  waxa ay isku beel yihiin Shariif sheekh axmed .

Nasiib daro waxaa dhacday in alshabaab ay si buuxda ula wareegeen Deeganadii laga xureeyay ee G/SH/DHEXE.

 

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*