
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025 ayaa casuumaad u fidiyey madaxda Dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May) ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimo qaran iyo sidii wadajir loogu dhameystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag