October 27, 2025

Madaxweyne Trump Oo Yiri “Hadii Xabad Joojinta Ay Jabiyaan Xamaas in uu cirib tiri doono Xamaas”

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu cirib tiri doono kooxda Xamaas haddii ay jebiyaan heshiiska cusub ee la xiriira marinka Qaza.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad, isaga oo sheegay in Xamaas lagu wargeliyay in ay dhowraan heshiiska, balse haddii ay ku xad-gudbaan, “ay wajihi doonaan jawaab adag oo aan hore loo arag.”

“Waxaan heshiis la galnay Xamaas. Haddii ay jebiyaan ama isku dayaan in ay carqaladeeyaan, waan baabi’in doonaa. Ma jiri doono Xamaas markaas kadib,” ayuu yiri Trump.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisad cusub ay ka taagan tahay marinka Qaza, iyadoo warbixinno laga helayo gobolkaas ay sheegayaan in wadaxaajoodka nabadeed ee u dhexeeya dhinacyada weli ay yihiin kuwo adag.

Dowladda Mareykanka ayaa hore u sheegtay in ay “fursad nabadeed” u aragto heshiiska Qaza, balse hadalkan cusub ayaa tilmaamaya in Washington diyaar u tahay tallaabo militari haddii xaaladdu faraha ka baxdo.

Si kastaba ha ahaatee Hishiiska ayaa ah mid lagu dhagrayo kooxda xamaas balse waxa ay kooxda xamaas u arkaan mid aysan waxba u dhimi doonin halgankooda ee xureeyta dadka reer falastiin   sidoo kale waxa aan la aamini karin israail dadka ka faalooda arrimaha siyaasada Caalamka ayaa aaminsan in israail ay jebin doonto xabad joojinta laga gaaray dagaalka Marinka Qaza ee dhulweeynaha reer falastiin.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*