November 4, 2025

Madaxweyne Trump iyo Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Saxiixay Heshiiska Joojinta Dagaalka Gaza

GAZA CITY, GAZA - FEBRUARY 01: Hours after the Israeli army withdrew from the region, residents are seen arriving amid destruction to check their homes and properties that they had to abandon in the northwest of Gaza City, Gaza on February 01, 2024. Israeli army has withdrawn from some regions in the north of the Gaza Strip and the northwest of Gaza City. (Photo by Mahmoud Shalha/Anadolu via Getty Images)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta gaaray magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, halkaas oo uu ka dhacay shir caalami ah oo lagu saxiixay heshiiska joojinta dagaalka ee Gaza.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dalalka Masar, Turkiga, Qadar iyo Mareykanka, waxaana lagu tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo lagu soo afjarayo colaaddii laba sano ka socotay marinka Gaza.

Qodobada Heshiiska Gaza

Warbixinta ay baahisay Al Jazeera ayaa sheegtay in heshiiska Gaza uu horseeday:

Sii deynta ku dhowaad 2,000 maxbuus Falastiini ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil;

Sii deynta 20 maxbuus Israa’iili ah oo ay Xamaas ku haysay gudaha Gaza;

Joojinta dagaalka oo si rasmi ah u dhaqan gashay 10-kii Oktoobar 2025;

Gargaar bani’aadaminimo oo loo oggolaaday in si buuxda loo gaarsiiyo dadka Gaza.

Madaxda Saxiixday.

Dukumentiga heshiiska ayaa ka mid ah

 Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump,

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, 

Madaxweynaha Turkiga,   Recep Tayyip Erdogan, 

Amiirka Qadar.   Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

Sidoo kale Madawxweeyne Trump ayaa sheegay in heshiisku “si fiican u shaqeynayo”, isagoo ku daray: “Dunida oo dhan way aragtaa wixii aan la rumeysaneyn in uu suurtagal yahay.”

Hadalladii iyo Aragtiyihii Kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidamo caalami ah oo nabad ilaalin ah, isagoo sheegay in “guusha heshiiskan ay ku xirnaan doonto taageerada Mareykanka iyo dunida kale.”

Dhankiisa, Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay wada-hadallo cusub oo Israa’iil lala yeesho si loo dhammeeyo khilaafaadkii xuduudaha.

Falanqeeye siyaasadeed Zeidon Alkinani oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown (Qadar) ayaa sheegay in “hal shir ama hal heshiis uusan dammaanad qaadi karin nabadda gobolka,” isagoo xusay in Israa’iil hore u jebisay heshiisyo caalami ah oo la mid ah.

Shirka Sharm el-Sheikh ayaa lagu soo afjaray jawiga rajo iyo isfahan, iyadoo madaxdu ay ballan qaadeen in la dardar-geliyo hirgelinta heshiiska iyo dib-u-dhiska Gaza.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu sii joogi doono Masar “si uu uga wadahadlo madaxda gobolka marxaladaha xiga ee nabadda,” isagoo tilmaamay in “ceasefire-ka Gaza uu noqday bilow cusub oo rajada Bariga Dhexe.”

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*