October 7, 2025

Madaxweyne Putin Oo Yiri”Reer Galbeedka Hadii ay rabaan xabad joojinta Ukarain Ha la Hadlaano Turkiga”

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump, ayaa waday dedaalo uu ku doonayay in heshiis xabbad-joojin ah gaar ahaan dowladaha Ruushka iyo Ukraine, sidoo kale labada dhinac kawada hadlaan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka daba dheeraaday.

Dedaalada uu waday Madaxweyne Trump ayaa u muuqday  kuwa aan micno laheyn 

dhanka kale Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin , waxa uuna Putin dharbaaxo diblumaasiyadeed ku dhuftay Trump , isaga oo meesha ka saaray doonistiisii heshiis xabbad-jiinta.

Madaxweyne Vladamir Putin oo warbaahinta la hadlay , ayaa sheegay haddii ay reer galbeelka doonayaan in la joojiyo dagaalka ka socda Ukraine, in ay dhageystaan lana hadlaan Madaxweyne Erdogan , oo uu ku sheegay in uu yahay cidda dhalin karta dhex dhexaadin lagu guuleysan karo.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Ruushka ayaa dharbaaxo ku noqonaya Madaxweyne Trump oo waday dedaal Ukraine iyo Ruushka ku doonayay in xabbad-joojin dhaqangeliyaan, lamana oga waxa iska beddeli doono go’aanka Trump kaddib hadalkan kasoo yeeray Putin.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa ah hoggaamiye labada dal ee colaada u dhaxeyso ee Ukraine iyo Ruushka xiriiro la leh, mana saameyn xiriirka labada dal kala dhaxeeya dagaalka dhiigag badan ku daatay ee u dhaxeeya labadan dowladood.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*