October 7, 2025

Madaxweyne Putin oo ku dhawaaqay xabad joojin Kooban

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin hal maalin ah ee dagaalka  Ukraine oo ku eg saqda dhexe ee habeen dambe

Sidoo kale Waxaa uu sheegay xabad joojintaas tahay mid bani’aadanimo oo loogu talagalay ciidda masiixiyiinta ee Easter-ka, isagoo tilmaamay inuu rajeynaynayo inay la qaadato Ukraine.

Isla markii hadalkan uu soo baxay, taliska dhexe ee milatariga Ukraine ayaa ku dhawaaqay inaysan jirin wax xabbad-joojin ah, halka wasiirka arrimaha dibadda Ukraine, Andrii Sybiha uu sheegay inay kaliya Ukraine oggolaan doonto xabbad-joojin 30 maalmood ah, taa oo miiska saaran tan iyo bishii la soo dhaafay ee Maarso, wuxuuna ku tilmaamay  Putin , mid aan la aamini karin oo wax uu ku ciyaaro ka dhigtay dhiigga dadka Ukraine.

Dhinaca kale, Shabakadda Bloomberg, ayaa ku warrantay inuu Mareykanka diyaar u yahay inuu jasiiradda Crimea ee Ruushka uu ka qabsaday Ukraine , sannadkii 2014, si rasmi ah ugu aqoonsado inay tahay dhul uu Ruushka leeyahay , taa oo lagu sheegay tallaabadii u dambeysay oo Trump uu ku doonayo heshiis nabadeed oo lagu joojiyo dagaalka Ukraine,

Inkastoo  walaac laga muujiyay go’aanka uu Mareykanka ku aqoonsanayo dhul xoog lagu qabsaday inay burburinayo sharciyada caalamiga ah , albaabadana u furayso inay dunidda gasho iskuday ay dalalku ku qabsadaan goobo ka baxsan dhulkooda.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*