October 7, 2025

Madaxweyne Laftagareen Oo Dhagax Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo laga Dhisaayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Munaasabada Dhagax-Dhiga Madaxweynaha waxaa kala Qeybgalay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Marwo Zahra Cusmaan Axmed, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdulaahi Cali Watiin iyo Mas’uuliyiin kale.

Xarunta Maanta uu Dhagax dhigay Madaxweyne Laftagareen ayaa ka kooban qeybo kala duwan iyadoona noqon doonta mid lagu Tababaro Maclimiinta Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Madaxweyne Cabdi caziz ayaa wati geliya sidii uu horumar u gaarsiin lahaa Shacabka Ku dhaqan K/Galbeed Somaliya.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*