October 7, 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya Oo La Doortay

faahfaahinta Doorashadii  ka socotay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhamaatay in la loo doorto Madaxweeyne Ku Xigeenka labaad C/rashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweyene C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku guuleystay xilkan kadib cod gacantaag ah, isagoo helay 65 cod.

Tartanka ayaa noqday mid sahlan maadaama afar musharrax oo la filayay inay la tartamaan laga waayay hoolka doorashada, taasoo sababtay in si toos ah gacantaag loogu codeeyo.

Doorashadan ayaa ka dambeysay kadib markii isla maanta la doortay Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) inuu noqdo Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Labadan doorasho ayaa dhammaystiray hoggaanka sare ee maamulka cusub.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*