Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Cali (Firdhiye), ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 21 xubnood, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Liiska wasiirrada cusub ayaa waxaa ku jira hal haweeney, halka qaar kalena ay yihiin xildhibaano iyo wasiiro hore uga tirsanaa maamulka Puntland.
Dhanka kale Weli lama magacaabin wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha maamulka, waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.
Hase ahee inta aan la magacaabin Golaha Wasiirrada, Madaxweyne Firdhiye iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid ayaa isku khilaafay saami qeysbiga Golaha xukuumadda, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.
Isla maanta ayaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha wasiirrada oo intooda badan ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood.


Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag