October 7, 2025

Madaxweyne Deni “Waa Been Waxba kama Jiraan Aniga Ma Tagayo Shirka Muqdisho”

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si cad u sheegay in uusan ka qeyb galeyn shirka Golaha Wadatshiga Qaran ee ka furmaya magaalada Muqdisho, kaa oo horey warar usoo baxay sheegayeen in lagu cadaadinayo ka qeyb galka shirka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Madaxweyne Xasan Sheekh iclaamiyay, ayaa maanta qorshuhu yahay in uu ka furmo magaalada Muqdisho, shirkan ayaa waxaan qeyb ka aheyn madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxaana markii ugu horreeyay ka qeyb galaya shirka Madaxweynaha Khaatumo.

Madaxweyne Siciid Deni oo xalay Boosaaso kula shiray xubno katirsan maamulkiisa , ayaa u caddeeyay in been tahay in beesha caalamka ku qasbeyso in uu tago magaalada Muqdisho kana qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga, waxa uuna xusay in wali ku dhegan yahay go’aannadii horey uga baxeen shirarkii hore.

Warar soo baxaya , ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni  uu qaban-qaabinayo shir ku saabsan badbaadinta Soomaaliya oo ka qabsoomaya Garoowe, kaasi oo uu ku marti-qaadayo dhammaan siyaasiyiinta mucaaridsan Villa Somalia, xildhibaannada labada aqal  iyo maamulka  Jubaland.

Shirkan uu qaban qaabinayo Madaxweyne Deni, ayaa ah mid siyaasiyiinta iyo maamulada mucaaradka uga tashanayaan xaalada siyaasadeed ee dalka, shirkaasi ayaana haddii uu qabsoomo culees weyn ku noqon doona dowladda Federaalka Soomaaliya

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*