
Xubno katirsan madaxtooyada maamulka Putland aadna ugu dhaw dhaw Madaxweyne Siciid Denu, ayaa ka shaqeenaya sidii meesha looga saari lahaa xubno katirsan guddiga doorashooyinka , oo ay ku jiraan xubnaha ugu sarreeya.

Sida xogta lagu helay ayaa sheegaya in xubnahan ku dhaw dhaw Madaxweyne Siciid Deni, ain ay ka shakiyeen shaqada iyo daacadnimada xubno katirsan guddiga doorashada, kuwaasi ay tuhmayaan in xilligan aysan daacad u aheyn Madaxweyne Siciid Deni.
Madaxweyne Deni ayaa Lagula Taliyay in uu meesha ka saaro guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, Axmed Maxamuud Cumar (Keke) iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan guddigaasi.
Xogaha ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu shaqada ka eryayo xubnaha laga shakiyay ee ku jira guddiga doorashooyinka, kuwaa oo qaarkood lagu tuhmayo in xiriir hoose la leeyihiin guddiga doorashooyinka Qaranka ee heer federaal.
Madaxweyne Deni, ayaana xubnaha ku dhaw dhaw ee madaxtooyadiisa katirsan ka dalbaday in ay lasoo wadaagaan xogo dheeraad ah oo ku saabsan xubnahan laga shakiyay ee ku jira guddiga , si uu uga qaado tallaabooyin uu meesha uga saarayo xubnahaasi aan daacada u aheyn.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag