December 15, 2025

Madaxweyne Cirro Oo Booqday Dadkii Ku Dhawacmay Shaqaaqadii Magalada Boorama

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka subaxnimadii Dhakhtarka Guud ee Hargeysa ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boorama.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu mid mid u booqday bukaannada,isagoo ka xog-waraystay xaaladdooda caafimaad. Waxa uu si gaar ah u xaqiijiyey in uu si buuxda u barbar taagan yahay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay dhacdadaas, isla markaana aanay kelidood ahayn.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka, maamulka iyo shaqaalaha Dhakhtarka Guud ee Hargeysa uga mahadnaqay dedaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen daryeelka bukaannada, isaga oo ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda caafimaad ee ay bulshada u hayaan.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu mar kale tacsi u diray qoysaska ay waxyeelladu gaartay, isaga oo Allah SWT uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*