
Madaxweynaha Maamulka goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Cusmaan Muxumed Madeey in uu noqdo Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa marar badan is beddel ku sameeyay maamulka gobolka Gedo oon qaarkood tegi karin degmooyinka gobolkaasi, waxaana gobolka Gedo saameyn xooggan ku yeeshay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag