October 7, 2025

Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray shirweynaha 1-aad ee deegaanka iyo isbadalka cimilada

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah Aqalka Martida ee magaalada Kismaayo uga furay Shirweynaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubaland.

Shirkan muhiimka ah ayaa lagu falanqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada ilaalinta deegaanka, kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada, iyo la tacaalidda saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhibaatooyinka deegaanka ee ka jira Jubaland ay salka ku hayaan ficillo ay kamid yihiin:

Deegaamaynta sharci darrada ah

Jarista aan xadidneyn ee dhirta

Isticmaalka aan waxtarka lahayn ee dhuxusha

Qodista ceelal badan oo isku dhow iyo samaynta waro biyoodyo aan qorsheysneyn

 

Madaxweynaha ayaa si gaar ahu  faray Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adaha Amniga in ay si wadajir ah uga hortagaan ficillada halista ku ah deegaanka, loona diyaariyo qorshe cad oo lagu maareeyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, si loo yareeyo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Dhanka kale Madaxweeynaha Juubaland aya weerar afka ah ku qaaday dowlada Federalka Somaliya asigoo ku sheegay in ay ku mashquulsan yihiin Urur Siyaasadeed Sida XISBIGII KACAANKA SOMALIYEED   Waa nasiib daro in aysan dib u fiirin wax keenaya in ay somaliya ay sidaan naqanto waa Hogaan Boobis iyo kaligii talisnimo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*