
Madaxweynaha Dowladda Suuriya, Ahmad Al Shara, ayaa lagu wadaa inuu booqdo dalka Sacuudi Carabiya maalinta Arbacada, iyadoo uu halkaas ku sugan yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo la kulmaya hoggaamiyeyaasha waddamada Khaliijka.

Warbaahinta The National oo soo xiganaysa ilo rasmi ah ayaa sheegtay in Madaxweynaha Suuriya iyo dhigiisa Mareykanka ka wada hadli doonaan xaaladda guud ee gobolka iyo sidii dalkiisa looga qaadi lahaa cunaqabateynta.
Ilo-wareedyo Lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya In dowladaha Sacuudiga Iyo Suuriya ay isku dayayaan inay abaabulaan kulan soconaya 45 daqiiqo oo dhex mara Madaxweyne Trump iyo Madaxda Carbeed..
Diblumaasi fadhigiisu yahay magaalada Riyadh ayaa u xaqiijiyay wargeyska The National in kulankaasi si horudhac ah loo jadwaleeyay, islamarkaana la filayo inuu dhaco.
Diblumaasigan ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu si guud u oggolaaday inuu siiyo Madaxweyne Al Shara waqti uu ku dhageysto.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Mareykanka weli si rasmi ah uma ay xaqiijin kulanka labada. dal inkastoo Madaxweeyne Trump uu sheegay in Siyaasada Bariga Dhexe uu wax ka bedeli doono
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag