October 7, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo Yiri”Ganacsatada Mareykanka Dalka Waa uu Furan Yahay Ganacsi iyo Maalgashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku dhawaaqay in Soomaaliya ay diyaar u tahay maalgashi iyo ganacsi cusub, isagoo si rasmi ah ugu sheegay ganacsatada Mareykanka in dalka uu “furan yahay ganacsi,” intii uu socday Madasha Maalgashiga Soomaaliya–Mareykanka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

 

“Soomaaliya ma ahan dal lagu qeexo dhibaatooyinkii tagay, balse waa dal lagu qeexo fursadaha soo socda. Waxaan haynaa himilo, dib-u-habeyn, iyo awood shaqaale,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo ugu baaqay maalgashadayaasha Mareykanka in ay ka faa’iidaystaan waxa uu ku tilmaamay “suq cusub oo furan.”

 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu madasha ka horjeediyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP) iyo Himilada 2060, kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin tubta fog ee horumarka Soomaaliya.

“Qorshaheenna Isbeddelka Qaranka iyo Himilada 2060 ma aha kaliya riyo, waa hannaanyo dhab ah oo diiradda saaray koboca ay horseedayaan ganacsiga gaarka ah iyo iskaashiga caalamiga ah,” ayuu yiri.

Madaxweynuhu waxa uu tusaale usoo qaatay in Soomaaliya ay dhameystirtay hanaankii deyn cafinta HIPC, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo dib u soo celisay kalsoonida maaliyadeed isla markaana fure u noqotay helitaanka maalgelin caalami ah.

“Anagoo ka faa’iidaysanayna aasaaskaas, dowladdaydu waxay hirgelisay sharciyo dhiirrigelinaya maalgashiga, oo ay ka mid yihiin ilaalinta maalgeliyeyaasha, fududeynta diiwaangelinta ganacsiga, iyo xeerar hufan oo maaliyadeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*