October 29, 2025

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Oo Isbeddel Ku Sameeyay Golaha Wasiirrada Maamulkaas

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa wareegto uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sameeyay isbeddel ballaaran oo ku saabsan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada maamulkaas.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu saleeyay qodobada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Hirshabeelle, kuwaas oo u oggolaanaya Madaxweynaha inuu magacaabo ama beddelo xubnaha Golaha Wasiirrada marka ay jirto baahi shaqo ama mid hufnaan.

Isbeddelkan ayaa taabanaya afar wasaaradood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyo Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa magacaabay wasiirrada cusub ee kala ah: Baashi Cabdi Maxamed oo loo magaaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Saalax Maxamed Xasan oo noqonaya Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Keyraadka Biyaha.

Sidoo kale waxaa la magacaabay Cabdikariim Nuur Xasan (Doob-yare) oo noqonaya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska iyo Cumar Maxamed Soomane oo loo magacaabay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha

Isbeddelkan ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo waxtarka iyo hufnaanta shaqada ee Golaha Wasiirrada Hirshabeelle, si loo dardar-geliyo adeegyada bulshada iyo horumarinta dowladnimada.

Si kastaba ha ahaate Mamulka HirShabelle ayaa ku soo aruuray xil ka qaadis iyo magacaabis  mana ahan maamul shaqeeya 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*