
Madaxweynaha Faransiiska ayaa shir jaraa’id oo uu la yeeshay dhiggiisa Lubnaan ku sheegay in duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan ay yihiin tallaabooyin hal dhinac ah.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in duqeymaha Israa’iil ay ku hayso Lubnaan ay tahay wax aan la aqbali karin oo ay ka dhigan tahay xad-gudub xabbad-joojin ah, isla markaana ay natiijooyin aan wanaagsanayn ku yeelan doonaan ammaanka Israa’iil, halka madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun uu ka digay in Lubnaan dib loogu celiyey xaalad rabshado ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay dhismaha ciidanka iyo inuu awooddiisa ku kordhiyo dalka oo dhan.
Madaxweeyne Macron ayaa Aoun ku qaabilay maanta oo Jimce ah qasriga madaxtooyada Elysee. Arrintan ayaa timid kadib markii Israa’iil ay weerar ku qaaday deegaanka koonfureed ee Beirut markii ugu horeysay tan iyo markii xabad joojinta ay dhaqan gashay bishii November ee lasoo dhaafay. Diyaaradaha Israa’iil ayaa sidoo kale duqeymo ka bilaabay koonfurta Lubnaan iyaga oo ka jawaabaya gantaalo laga soo riday gobolka.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa shir jaraa’id oo uu la yeeshay dhiggiisa Lubnaan ku sheegay in duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan ay yihiin tallaabooyin hal dhinac ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag