Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira ee dalka Masaarida ayaa sheegay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiisadda badda Cas iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

Waraysi qaatay in ka badan 20 daqiiqo ayaa madaxweynaha Eriteriya tan iyo markii ay xornimad aka qaadatay Itoobiya waxa lagu weyddiiyay arrimaha Badda Cas ee in muddo ah ay hadal-hayntoodu taagnayd.
Madaxweeyn Afawerq Wareysigiisa ayuu ku sheegay in colaadda ka taagan gobolka Geeska Afrika ay sababta ugu weyn ku leedahay faragelin uu sheegay in ay ka imanayso xoogag iyo dawlado kala duwan.
Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka dalalkaas aanay ahayn kuwo gudaha ka socda oo keliya, balse ay yihiin kuwo Dowlad goboleed iyo Dowlado caalami ah. Waxa uu tusaale u soo qaatay xaaladda gobolka Geeska Afrika, si gaar ah, xaaladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.
“Soomaaliya waa dal leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 3,300 kiiloomitir, waxaana xeebtaas dheer oo ah goob istaraatiiji ah ay dalka ka dhigtay mid aan xasilloonayn,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dhibaatada Soomaaliya aanay ahayn mid gudaha ah oo keliya ka abuurantay, bal se ay tahay arrin goboleed iyo mid caalami ah.
Sidoo kale Madaxweeyne Isayaas ayaa Sheegay In gobolku u baahanayn quwado shisheeye oo faragelin ku sameeya bal se ay muhiim tahay in cid kastaa ay awood u yeelato xilka ka saaran ilaalinta xeebaheeda Gaar ahaan Somaliya Iyo Ereterea.
“Dalalka gobolka ayaa leh mas’uuliyadda koowaad ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badbaadada marin-biyoodkan caalamiga ah.
Itoobiya Waan Ognahay In aysan laheeyn Bad Waxaana ay ka mid tahay Dowladaha aan Badda laheeyn Waana loo ogol yahay wadda noolaasho laakin xoog ayaan wax ku raadinayaa Waa Maya Ma Socod doonto Rajadaasi.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag