
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray dagaalladii kooxda Al-Shabaab ay maanta ku soo qaaday deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo meelaha qaar ay kooxdu qabsatay deegaanada qaarna ay ka dhaceen dagaalo la isku riiqmay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in duullaanka Al-Shabaab uu hoosta ka xariiqayo sida looga gaabiyey la dagaalanka kooxda, isagoo madaxda dowladda Federaalka u soo jeedinayey inay diirrada saaraan halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.
Al-Shabaab ayaa maanta weerarro toos ah ku qaaday deegaanada Al-Kowthar, Daarunicma, Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Ceelbaraf iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolkaas, waana weerarkii ugu balaaraa oo hal maalin ay waayahaan waadeen Al-Shabaab.
Waxaan boggaadinayaa Geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo si nafhurnimo leh kaga hortagay duullaanka kooxda argagixisada Al-Shabaab ku soo qaaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Shariifka ayaa tacsi u diray ciidamadii maanta ku shahiiday dagaalladii cuslaa ee dhacay, “Waxaan u tacsiyeynayaa qoysaska geesiyaasha ku shahiiday dagaalka xaqa ah, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.”
Qoraalka Sheekh shariif ayaa intaas ku sii daray, “Duullaanka kooxda argagixisada ah wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida looga gaabiyey la dagaalanka kooxaha caadeysatay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.”
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag