October 7, 2025

Madaxweeynihii Hore Farmaajo “Waa In si Deg Deg ah loo Sii Daayaa Nabadoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole).

Qoraalka uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu si adag u cambaareeyay xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole).

“Nabaddoon Xaadoole oo u kacay difaaca dadka nugul ee la barakiciyey ee ku dhaqan Muqdisho, waxa loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud. Arrinkani waxa uu muujinaya in laamaha amniga loo adeegsanayo dano shakhsiyadeed oo gurracan.” ayuu ku yiri qoraalka.

Farmaajo ayaa Yiri”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  waa in uu si degdeg u sii daayo Nabaddoon Xaadoole.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in cabashooyinka shacabka lagu wajaho xarig iyo caburin.

“Madaxweynaha waxaan ku adkeynayaa in degdeg loo sii daayo Nabaddoon Xaadoole, lagana waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig, taas oo dhaawacaysa dowladnimada iyo kalsoonida shacabka keeni kartana kacdoon khalkhal galiya xasiloonida dalka.” ayaa sii raaciyay qoraalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*