October 7, 2025

Madaxweeyne Xasan” Waa Is Mahdiyay Balse Ma Noqon. Iyo Xafiiskii QM Oo Dib Boorka Looga Jafay Doorashadiina Waa Teendhada Afisyooni

Tan iyo markii uu talada qabtay Madaxweeyne Xasan Sheekh ayaa ku bilaabay wado wanaagsan oo aheeyd wada shaqeeyn dhex marta maamulada dalka ka jira iyo Ladagaalanka alshabaab Iyo La shaqeeynta Siyaasiyiinta Mucaaradka ay isla ahaayeen Balse Halkee ayay ku danbeeyeen Shaqooyiinkaasi oo dhan.

Maxaa Keenay In uu Khilaaf Cusub Yimaado?

Madaxweeyne Xasan ayaa Bilaabay In uu wax badan ka bedelo Dastuurka KMG

-In ay isku dhacaan Madaweeyne Saciid deni iyo Madaxweeyne Axmed Madoobe

-in uu Maamulada Dalka Ka jira uu waqtigoodii Dhamaaday uu u sameeyo Ku darsasho aan Sharci aheeyn

-in uu weerar Siyaasadeeysan uu Ku Qaado Siyaasiyiinda ka aragtida Duwan

-in Soomaaliland ay isku dhacaan DFS Heer laga Gaaray In lagu Dagaalamo Gacan Ku Heeynta Hawada Somaliya.

-in Magaalada Muqdisho Kaar Diwaan Gelin ah oo aan sharci aheeyn laga Bilaabay Oo Sababau In Beesha Caalamka Soo Fara geliso Geedi socodkii siyaasada somaliya.

Dhamaan Arrimahaas Iyo Arrimo kale Oo badan Maxay Sababeen?

Tan Iyo Markii ay isku dhaceen Madaxweeyne Saciid deni waxaa Bilaabmay in dowlada Imaaraatka Iyo Dowlada Itobiya ay si cad ugu lug yeeshaan arrimaha Siyaasada Somaliya ayagoo Xariiro aan qarsoodi aheeyn La Yeeshaan Maamulka Putland Iyo Somaliland .

Taasi oo sababtay isku dhaca Dowladaha Itoobiya Iyo Somaliya ayadoo Gaartay in laga Mamnuuco Qusuliyadaha Ku yaalo Garawe Iyo Hargeeysa ee Dowlada Itoobiya .Ku leedahay.

Dhanka kale Dowlada Imaaraaka Iyo Madaxweyne Xasan uu so kala dhex galo kala shaki xoogan.

Maxay Is Maan dhaafeen Jubbland Iyo DFS?

Maamulkii Axmed madoobe ayay is dhaceen Dowlada Federalka ayagoo isku maan dhaafay Habka Doorashada Maamulka Jubbaland Balse Maxaa Dhacay?

Madaxweeyne Axmed Madoobe ayaa qabsaday Doorasho U gooni ah Balse waxaa ka Biyo Diiday Dowlada Madaxweeyne Xasan Waxaana ay Magaalada Raskambooni ay Geeyeen Ciidamo Ka Tirsan Dowlada

Hase ahaate Madaxweeyne Axmed Madoobe ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidankii asigii kala eryay Ilaa iyo Hadda Jabkaasi Ku Dhacay Ciidanka Qaranka Ma qiran Dowlada Federalka

Madaxweeyne Xasan Ma Xishoonin Balse waxa uu qaaday Talaabo ka xun Tii Hore asigoo Cunaqabteen Diyaaradeed Ku Soo Rogay Garoomada ay ka Taliyaan Maamullka Axmed Madoobe.

Hase ahaatee Waxaa nasiib daro in 3 sano kahore uu ku eedeeyn jiray Madaxweeynihii Hore Farmaajo in uu Cunaqabateen Saaro Muwaadiniin Somaliyeed balse Madaxweeyne Xasan ayaa Ka Daray M Farmaajo.

Ujeedkee ayuu ka lahaa Kordhinta Halka sano Maamulada?

Madaxweeyne Xasan asigoo Dano siyaasadeed ka leh ayuu maamulada HirShabelle Galmudug Iyo K/Galbeed ugu Daray Min Hal sano oo dheeri ah Ujeedkiisa ayaa aheed in uu asigana Ku Darsado Sanad Iyo Ka badan.

Dagaalkii Alshabaa Halkee Ayuu Ku Danbeeyay?

Madaxweeyne Xasan ayaa Bilaabay In Alshabaab laga Xureeyo Dalka waxaana laga Xureeyay Deegaano Badan waxaana ku dhintay Saraakiil Iyo Ciidamo badan Iyo Macaawiisleey Badan Hase ahaatee waxaa laba sano kadib Deegaanadii qaarkood si Fudud ula wareegay Alshabaab

Maxaa Sabab u ahaa In ay dib U soo noolaadaan Alshabaab?

waxana sabab u ahaa Xariirka aan joogtada aheeyn uu la lahaa Bulshada Degaanka.Iyo Siyaasiyiinta Ka Aragtida Duwan

Madaxweeyne Xasan ayaa is mahdiyay Markii uu Guulo badan ka gaaray Dagaalka alshabaab Iyo Dagaalka arrimaha Siyaasada ee Arrimaha dibeda hase ahaate waxa uu Goaansaday In uu dorasho u Gooni ah uu qabsado Balse waxaa dhacday in beesha Calaamka ay soo farageliso sida uu wax ku wado Madaxweeyne Xasan

waxaana dhawaan Dhacday In Shir deg deg ah lagu qabto Magaalada Kambaala waxaana lagu gaaray Goaano ah In Beesha Caalamka ay soo fara geliso Siyaasada Qariban uu ku Socdo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Fashilka Baarlamaanka Iyo Feerka Ka dhex dhacay Guddaha Barlamanka Maxaa Sababay?

Madaxweeyne Xasan ayaa ka dhigay Barlamaanka somaliya ka dhigay Mid iska Xiran oo aan shaqeeyn hase ahaatee maalmo ka hore waxa shaashadaha Caalamka laga arkayay Xildhibaanadii qaranka oo isku dhex feeraya Guddaha Baarlamaanka taasina waxa ay sababtay in Guudoomiyaha Iyo Xildhibaanada ay Dagaalo Hawada isku mariyaan, Ujeeedkiisa waa Ku darsasho aan waqti laheeyn. Iyo In aan Lala Xisaabtamin Xukuumada uu madaxda Ka yahay Waxii uu shalay Ku eedeeyn Jiray M/Weyne Farmaajo in uu asagii Ku dhaqmo la xisaabtan la aan Xakuumada.

Maxaa Keenay In uuKulan Deg Deg Ku Baaqa Madaxweyne Xasan?

Sida ay Xagaha Sheegayaan Kulankaasi waxaa Ku qasbay Beesha Caalamka in uu Ku dhawaaqo Shir Wadda Tashi ah.

Madaxweeyne Xasan ayaa maalmo hore Kulan Iyo Wadad tashi isugu yeeray Dhamaan Maamulada Iyo Siyaasiyiinta daneeya Arrimaha Somaliya hase ahaate ilaa iyo hadda ma uusan sheegin Cida ka soo qeeyb galeeysa Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu doonayo in dalka la geliyo Xaalad Siyaasdeed Oo Ciidan ah asigo dhahaya Dalka Doorasho lagama qaban karo Waxaa ka jira Dagaalo Alshabaab Iyo Daacish-

Maxay Tahay Ujeedka Ka Danbeeyo Is diiwaan gelinta Kaarka Ka socdo Muqdisho?

Madaxweeyne Xasan Iyo La Taliyayaashiisa ayaa iska dhaaciyay in ay dadka Somaliyeed Iyo Beesha Caalmka in sarcaadiyaan Hase ahaate Ma noqan karto Mid Hir Gasho waxaana lagu Cunayaa Dhaqaalo Fara Badan Sida Muuqata Waxaa lagu socdaa Waddaii Doorashada ee Teendhada Afisyooni. Waxaana Cadeeyn Kuu ah Wakiilkii QMSOMALIYA OO Mar hore shaqada ka fadhiistay in dib loo howl geliyo Mr jemesSwan asigoo hadda bilaabay la kulanka Siyaasiyiinta Somaliyeed. Iyo Maamulada Dalka Ka dhisan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*