
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dhawaan u safro magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaas oo ka dhaci doona shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo furmi doona bilowga todobaadka soo socda.

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray dalka Ciraaq, isaga oo halkaas uga qeyb galaya Shirka heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka Carbeed.
Shirka ayaa la qorsheeyey in uu furma May 17, 2025 oo ku aadan maalinta sabtida, waxaana la faliyaa in ay isugu yimaadaan dhammaan madaxda dalalka Jaamacadda Carabta, oo la filayo in ay ka wada hadlaan arrimo xasaasi oo qeyb ka ah xaaladda Qasa.
Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in ay isku diyaarisay marti galinta shirkaan, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ciraaq Fu’aad Xuseen, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baqdaad ayaa carabka ku dhuftay in dowladdiisa ay ku howlan tahay sidii loo soo dhaweyn lahaa wafdiga hordhaca u ah madaxda ka qeyb galaysa shirka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu kaga hadlaya xaaladda Soomaaliya, ka jeedin doona shirka madaxeedka Jaamacadda Carabta, kalkiisa 34-aad.
Dhanka kale Madaxweeyne Xasan Sheekh ayaa ah Madaxweeynihii Somaliya Soo mara Ninka Ugu Safarka Badan in Kabadan 450 safar ayuu galay tan iyo markii Xakunka uu Ku soo laabtay waa madaxweeyne jecel in uu kaligii safro marna aan u ogolaan madaxda kale ee dalka in ay soo qabtaan shaqooyin ay qaban karan .
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag