October 7, 2025

Madaxweeyne Xasan Shiikh Oo Askar Ku Soo Dhaawacmay Dagaalka Kaga Hor Tagay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hor tagey qaar ka mid ah askarta Ciidanka Xoogga Dalka ee ku soo dhaawacmey dagaalka lagu ciribtirayo al shabaab ee ka socda gobolada dalka qaarkood.

Ciidan ayaa dayuurado Helicobter ah oo ay leeyihiin ciidanka cirka Soomaaliyeed looga soo daabulay jiidaha hore ee dagaalkka Sh/dhexe

Madaxweeyne Xasan Shiikh ayaa ugu laab qaboojiyey askarta dhaawaca ah iney yihiin geesiyaal naftooda u huray difaaca dalkooda iyo dadkooda ayna leeyihiin mudnaan gaar ah

Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo askarta dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka iyo dalkeenna hooyo.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah oo lagu ciribtirayo kooxda al shabaab oo weerar jihooyin kala duwan ah ku soo qaaday degaano ka tirsan Shabeelaha dhexe.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

   

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*