
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa aad ula dhacay amaan ay usoo jeedisay gabadh wariye Afrikan ah oo ku bogaadisay dadaalka uu ka galay heshiis ay shalay gaadheen dalalka Rwanda DRC Congo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah u dhaliyay hadal hayn kadib markii uu amaan gaar ah u jeediyay weriye haween ah oo u dhalatay Afrika oo la yidha Hariana Veras, intii lagu guda jiray munaasabad rasmi ah oo lagu saxiixay heshiis nabadeed oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) iyo Rwanda.
Munaasabaddan ayaa ka dhacday Aqalka Cad, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax sare oo ay kamid yihiin Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, iyo wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal ee Afrika, Therese Kayikwamba Wagner iyo Olivier Nduhungirehe.
Hariana Veras, oo ah wariye u shaqeysa Aqalka Cad kana timid Afrika, ayaa ka warbixisay xaaladda rajo ee ay ku aragtay gudaha dalka Congo kadib markii la shaaciyay heshiiska nabadeed. Waxay sheegtay in shacabka reer Congo ay muujiyeen farxad iyo rajo cusub oo ku aaddan mustaqbalkooda isla markaana ay ka mahadsheeganayeen Trump.
Sidoo kale Waxa ay sheegtay in Madaxweynaha Congo, Felix Tshisekedi, uu doonayo in uu Madaxweeyne Trump u sharaxo abaalmarinta Nabadda Adduunka, taas oo uu Trump aad uga helay isagoo yiri: “Si qurux badan ayaad u sheegtay, waana sax, waxaad sidoo kale tahay qof qurux badan.”
Madaxweeyne Trump oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “Ma ahan inaan sidaa dhaho, waxa laga yaaba in hadalkani uu Dhibaateeyo mustaqbalkayga siyaasadeed, laakiin waxa aan adiga Ku Dhihi Lahaa , waadka qurux badan tahay Waxaan jeclaan in dhamaan wariyayaashu sidaada ay wada noqdaan.”
Inkastoo hadalkiisa uu ahaa kaftan ah, Hase ahaatee markasta ayuu la kaftamaa Bulshada- haddana waxa uu si weyn uga leexday wejiga rasmiga ah ee munaasabadda oo ahayd mid lagu xalinayay mid kamid ah dagaallada ugu mudada dheeraa ee Afrika.
Madaxweyne Trump ayaa kamid ah dadka ugu amaanta jecel, iyada oo marka la amaanayo uu dadka u dhag raariciyo oo uu si dhab ah u dhagaysto isaga oo ku raaxaysanaya, hadaba Madaxweyne Trump ayaa intii lagu gudajiray munaasibada heshiiska hadiyad siiyay wariye Veras, isaga oo uga mahadceliyay amaanta ay usoo jeedisay.
Heshiiska dhemaray labada dal ayaa loo bixiyay magaca “Washington Accord”, balse Trump ayaa isaga oo kaftankiisa sii wata markale yiri waxa fiicnaan lahayd in heshiiska loo bixiyo “Trump Accord” kadibna dadkii goobta joogay ayaa mar qura qosol la dhacay.
Sidoo kale Heshiiskan ayaa Mareykanka u ogolaanaya in uu maalgashado macdanta qaaliga ah ee Congo sida dahabka, lithium-ka, iyo naxaasta, kuwaas oo muhiim u ah warshadaha casriga ah, gaar ahaan kuwa tignoolajiyadda iyo tamarta nadiifta ah.
Ugu danbeentii Madaxweeyne Trump ayaa ku faanay in mudadii gaabnayd ee uu xilka hayay uu ku guulaystay heshiisyo waa wayn oo nabadeed kuwaas oo uu dhexdhigay Hindiya iyo Pakistan, Israa’iil iyo Iran, iyo heshiiska shalay la saxeexay ee dhexmaray hadda DRC iyo Rwanda.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag