October 7, 2025

Madaxweeyne Deni iyo Wakiilka Qm Somaliya Mr Swan Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Muhiim ah

Madaxweynaha maamulka Puntland Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan  Amniga , Siyaasada iyo  arrimaha ban’aadantinimo.

Sidoo kale Labada mas’uul ayaa  isla soo qaaday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee hadda ka socda Calmiskaad, iyadoo ay Qaramada Midoobey ku boggaadisay Dowladda Puntland sida ay isaga ciribtirayso Argagixisada.

Mr Swan ayaa maalin kahor safarkan mid lamid ah ku tagay magaalada Baydhabo, halkaasoo kula soo kulmay madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta-gareen.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*