October 7, 2025

Madaxweeyne Axmed Madoobe Oo Weerar Afka ah Ku qaaday Dowlada Somaliya

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay weerarkii ciidanka Daraawiishta Maamul Goboleedkaas ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada Federaalka ka sameysteen Deegaanka Raaskambooni.

Madaxweeyne Axmed Madoobe ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay kala furfurtay Ciidamadii Daraawiishta Maamul Goboleedka Jubbaland, arrintaas ayuu sheegay in ay ka dhalatay in dhul baaxad weyn uu bannaan noqdo isla markaana ka dhalato cabsi la xiriirta in ‘Alshabaab’ ay qabsan karto.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in uu bixiyay amarka ciidankaas lagu qaaday isaga oo nasiib darro ku tilmaamay dhiigga wiilasha Soomaaliyeed ee halkaas ku daaday, Madaxweeyne Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in kahor go’aankaas uu koray culeys dhinaca ciidanka maadaama lacag lagu kala furfuray sida uu hadalka u dhigay.

“Sababta keentay in aan Raaskaambooni aadno waxa ay ahayd markii Ciidankii Daraawiishta laga qaaday oo dhul Ballaaran banneeyeen oo timid cabsi ah in ‘Alshabaab’ qabsato dhulkaas ayaa ciidan u diray” Madaxweeyne Axmed Madoobe.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Axmed Madoobe ugu eedeysay abaabulka duullaanka ka dhacay Magaalada Raaskambooni ee Gobolka Jubada Hoose, labada dhinac ayaa is dhaafsanaya eedeymo culus oo la xiriira mas’uuliyadda wixii dhacay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la dhihi karaa fashilkaasi dhacay waxaa sabab u naqday siyaasad xumida ka dhex jirta Hogaanka Villa Somaliya Ma aheeyn in waqtigaan la abuuro khilaaf siyaasadeed dhanka arrimaha Guddaha waxa ay aheeyd in laga shaqeeyo Xaalada Dalka Siyaasada Iyo In la isku soo dhaweeyo Siyaasiyiinka Iyo Shacabka somaliyeed Maadaama uu dalka ka socdo dagaal ka dhan alshabaab.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*