Wakaaladda wararka Reuters, ayaa Sheegtay in ay dawladda Venezuela ay diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan uu Mareykanka uu ku qaadayo dalkaasi.

Sida xoggaha la helayo ayaa tilmaamaya, gobollada Venezuela ayaa lagu daadiyay guutooyin ciidamo ah oo u diyaarsan dagaalka dhuumalaysiga ee ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, si ay isaga caabiyaan haddii Mareykanku go’aansado inuu Venezuela dagaal ku qaado.
Saraakiisha amniga ee Venezuela, waxay u arkeen inaysan lahayn awood milatari oo si toos ah uga hortaggi karaan dagaalka Mareykanka , taa beddelkeeda waxay doonayaan inay meel kasta dagaallo aan toos ahayn uga furaan haddii ciidanka Mareykanka ay gudaha usoo galaan dhulka Venezuela oo ay ku jirto in la carqaladeeyo xasilloonida , si aysan Mareykanka ugu suragelin inuu nidaam taacabsan ka dhiso Venezuela.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag