October 7, 2025

Madaxii Maaliyada Kooxda Daacish Somaliya Oo Gacanta Lagu Dhigay Iyo Mareekanka Oo ka hadlay..

Dowladda Maraykanka ayaa maanta bayaan kooban oo ay soo saartay ayadoo  ku xaqiijisay hawlgalkii ay si wadajirka u fuliyeen ciidamada Maamulka  Puntland iyo kuwa Maraykanka ee lagu qabtay Madaxii Maaliyadda kooxda  Argagixisada ee Daacish.

Bayaan ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayuu ku xaqiijiyay hawlgalkaasi wadajirka ah oo sida Maamulka  Puntland shaacisay lagu qabtay Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac).

Taliska AFRICOM oo warkan soo saaray ayaa sheegay in aysan sii dayn doonin Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan Hawlgalkii shalay, si loo xaqiijiyo ammaanka xogta hawlgallada, balse wuxu sheegay in ay sii wadayaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda argagixisada Daacish, si looga hortago in ay fuliyaan weerarro ka dhan ah danaha Maraykanka iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda.

Warkan ka soo baxay Maraykanka ayaa imaanaya, maalin kaddib markii Maamulka Puntland shaacisay in hawlgal wadajir ah, oo ay Mareykanka la kaashadeen ku qabteen Madaxii Maaliyadda Daacish, kaasi oo laga soo qabtay degaanka Laag ee degmada Xumbeys.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*