October 7, 2025

Madaxda Dowlada Somaliya oo isku khilaafsan xadgudubka uu ku kacay Imaaraadka

Dowladda Imaaraadka Carabta kula kacday qarannimada Soomaaliya,Ku Xadgudub Xoogan Hase ahaa  waxaa soo ifbaxay khilaafka ka dhex jira madaxda Dowladda Federaalka ee ku saabsan sida looga falcelinayo arrintaas.

Labada masuul ee ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Cali Balcad, ayaa si kala duwan uga hadlay arrintan. Balcad wuxuu hoos u dhigay saameynta xadgudubka Imaaraadka, halka Wasiir Fiqi uu ku gooddiyay in la qaadi doono tallaabooyin jawaab ah.

Labada nin, oo mid walba muujinaya in uu hadalkiisa ku metelayo Dowladda Federaalka, ayaa qayb ka ah jahawareerka siyaasadda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa ay arrintani muujinaysaa sida madaxda sare ee dowladda ugu kala aragti duwan yihiin in tallaabo adag laga qaado Imaaraadka, kaas oo dhawaan sidii dal madax-bannaan ugu casuumay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, shir ka dhacay Dubai.

Wasir Fiqi Muxuu jawaab ah uu ka bixiyay?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa caddeeyay in aysan oggolaan doonin faragelin, kadib xadgudubkii qarannimo ee bartamihii Febraayo ka dhacay Dubai, halkaas oo Somaliland loogu yeeray “Dal iyo Jamhuuriyad,” iyada oo ay tahay maamul-goboleed ka mid ah Soomaaliya.

Inkasta oo Fiqi hoos u dhigay maqaamka la siiyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro—oo uu ku tilmaamay mid la mid ah hoggaanka dowlad-goboleedyada kale—haddana wuxuu muujiyay in lagama maarmaan tahay qaadista tallaabooyin looga hortagayo faragelinta Imaaraadka.

Wuxuu intaas ku sii daray: “Xidhiidhka Imaaraadka Carabta se tallaabooyin ayaan qaadaynnaa, mana oggolin faragelin.”

Wasiir dowlaha arimaha Dibeda Mr Balcad ayaa Yiri” Looma baahna wax tallaabo ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in casuumaaddii Cirro aysan waxba u dhimi doonin xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*