Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden, Benjamin Dousa, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka bilaabeen kulamo rasmi ah oo ay la yeelanayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safarka Imaanshaha wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah, kadib markii dowladda Sweden ay billowday soo tarxiilidda muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalkeeda.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in tallaabadan ay la xiriirto heshiis la sheegay inuu qarsoodi yahay oo u dhexeeya dowladda Sweden iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo quseeya iskaashiga arrimaha socdaalka iyo dib-u-celinta muwaadiniinta aan haysan sharciyad joogitaan.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta heshiiskan la sheegay, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in kulamada uu wafdiga Sweden ka wado Muqdisho ay diiradda saarayaan iskaashiga horumarinta, gargaarka bani’aadannimo, amniga, ganacsiga, iyo sidoo kale arrimaha socdaalka iyo qaxootiga.
Arrintan ayaa dhalisay walaac iyo dood ka dhex aloosan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan jaaliyadaha ku nool Yurub, kuwaas oo ka cabsi qaba saameynta ay ku yeelan karto xuquuqda iyo mustaqbalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Sweden.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo tan Sweden ayaan weli si cad uga hadlin jiritaanka ama qodobada heshiiskan la sheegay, balse safarkan ayaa loo arkaa mid xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah iyo wada-hadallo ku saabsan arrimo siyaasadeed, amni iyo kuwo bulsho oo muhiim u ah labada dhinac.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag