October 7, 2025

Madax Hore MW Xasan Sheekh ugu digay inuu ka waan-toobo fidno abuur uu ka wado Jubbaland

Madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo miisaan leh ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka taagan. Qoraalka ayaa si cad loogu muujiyey walaac ballaaran oo ay ka qabaan jihada uu dalku u socdo iyo sida ay u arkaan in Madaxweynuhu uga weecday doorkii laga sugayay.

Qoraalka waxaa saxiixay 16 mas’uul oo hore u soo qabtay xilal kala duwan sida Ra’iisul Wasaarayaal, Wasiirro, Ambassadors, iyo Hoggaamiyeyaal siyaasadeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, R/wasaareyaashiihi hore ee Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Iyo xubno kale oo caan ah.

Madaxdu waxay shaaciyeen in gabi ahaanba ay dhimatay Madashii Wadatashiga Qaran ee ahayd meesha isku keenta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Madaxweynaha waxaa lagu eedeeyay inuu doorbiday kooxaysi siyaasadeed halkii laga filaayay inuu hoggaamiye qaran noqdo, taas oo ay sheegeen inay carqalad ku tahay xal u helidda arrimaha hortebinta leh ee harsan inta lagu jiro muddada xilheyntiisa.

Siyaasiyiintan ayaa waxaa ku baaqeen in si degdeg ah loo guda galo wadatashi siyaasadeed oo qaran, si ay isugu yimaadaan dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, qaybaha bulshada, culimada, haweenka iyo dhalinyarada. Ujeeddadu waa in laga badbaadiyo dalka kalitalisnimo baahsan oo lagu burburinayo dastuurka, nidaamka federaalka, iyo awood qeybsigii siyaasadeed ee aas-aaska u ahaa xasilloonida dalka, ayay ku yiraadeen qoraalkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si toos ah loogu digay inuu ka waan-toobo “fidno abuur” uu ka wado maamulka Jubbaland, gaar ahaan tallaabooyin lagu tilmaamay in lagu cabburinayo madax bannaanida maamulkaasi. Waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay in la adeegsanayo hantida qaranka iyo xilalka dowladda si loogu xadgudbo xorriyadda siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed.

Madaxda war-saxaafadeedka saxiixay waxay si gaar ah ugu baaqeen madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur-Galbeed in ay shacabkooda ixtiraamaan maadaama muddo xileedkooda uu dhamaaday. Waxaa lagu booriyay in ay qabtaan doorashooyin dastuur waafaqsan oo xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay ka fogaadaan inay Madaxweyne Xasan Sheekh ku garab siiyaan dadaallada lagu wiiqayo nidaamka Federaalka Soomaaliya.

War-murtiyeedkan ayaa waxa uu ka dhigan yahay culeys siyaasadeed oo sii kordhaya oo lagu saarayo hoggaanka hadda jira. Madaxda hore waxay muujiyeen in dalka uu marayo marxalad u baahan isbedel dhab ah, iyo mid hoggaan , si looga baxo xaaladda cakiran ee amni, siyaasadeed iyo tan bani’aadamnimo ee dalka ka jirta.

  

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*