October 7, 2025

Macawiisleyda Isku Dhiibeysa Al-Shabaab oo Sii Kordhaysa Degaano ka Tirsan G/Sh/ Dhexe

Sida ay wararka Sheegayaan Waxaa si kordhaya tirada a Macawiisleyda ee isku dhiibaya Alshabaab, kuwaas oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Sh/Dhexe, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo gobolka.

 

Wararka ayaa tilmaamaya in  Macawiisleyda  deegaanka ee ka soo jeeda ay si toos ah ugu biirayaan gacanta Alshabaab. Maleeshiyaadkan ayaa horey uga dagaalamayay deegaanada Xawaadleey oo dhawaan ay ka baxeen ciidamadii ATMIS ee halkaasi kusugnaa sanado badan.

Sida la sheegay, Macawiisleydan ayaa markii hore taageero ka helayay ciidamada Burundi ee saldhiga ku lahaa Degmada Xawaadleey, balse markii ciidamadiiasi ay ka baxeen, Ciidankii Mcaawiisleeyda  waxay wajahday taageero la’aan dhinaca saadka, taas oo keentay in ay u fududaato in ay isku dhiibaan Alshabaab.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Macawiisleyda ayaa horay xaqiijiyay in in ka badan 20 xubnood ay isu dhiibeen Alshabaab. Odayaasha deegaanka ayaa  ka shaqeynaya sidii loo fududeyn lahaa heshiiskan, iyaga oo labada dhinac kala dhex-marayey wadaxaajood ku saabsan arrintan.

Dhinaca kale  Waxaa La Sheegayaa In  Macawiisleydii isku dhiibaan Alshabaab Laga Qaaday Hubka ,, waxaana loo Gacan Geliyay gacanta kooxda Alshabaab.

Hase ahaatee Xubnahani ayaa muddo dheer ku sugnaa deegaanka Xawaadleey iyo deegaanada ku xeeran, halkaas oo ay dagaal kula jireen kooxo 

Deegaanka Xawaadleey ayaa dhowaan isaga baxay ciidamadii kusugnaa kadib markii wabiga uu fatahay, taasoo suuragelisay in Alshabaab ay si buuxda ula wareegaan deegaankaas.

Si kastaba ha ahate Mcaawiisleeyda G/SH/DHEXE Waxaa dhabar jabin xoogan ku haaya Hagaanka HirShabelle Iyo Siyaasiyiin ka soo Jeeda G/SH/DHEXE  Kuwaasi  aan doonaynin in laga xureeyo alshabaab dalka waxa ay ku cadaadinayaan in maxadweeyne Xasan uusan Marna ka Guuleeysan Alshabaab Halka Beesha Xawaadle ay wacad Ku Martay in ay ku Jihaadayaan Dhulkooda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*