October 7, 2025

Macawiisleeyda Bariga Hiiraan Oo Tiro Alshabaab ku dilay Deegaano ay Ku Dhuumanyeen

Wararka Ayaa Sheegaya In howgal qorsheysan laga Fulaya Deegan ka  Tirsan G/Hiiraan Howlgalkaasi Waxaa Fuliyay ciidanka Macwisleeyda gobolka Hiiraan  

Howlgalkaan oo dhacay Deegaanka Lagu  Magacaabo Dhurwaale Waxaana  lagu dilay Ku dhawaad  Lix xubnood oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku suganaa deegaanka Dhurwaale oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan.

Ciidanka Macawiisleeyda ee howlgalkaan fuliyay ayaa sidoo kale la sheegay iney kooxda ka furteen qoryihii ay wateen xubnaha Al-shabaab ka tirsanaa ee howlgalka lagu dilay.

Sarkaal ka tirsan ciidankaan howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay mudo qorsheynayeen, islamarkaana uu noqday mid u dhacay sidii ay ugu talo galeen.

Howlgalkaan khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxdu Isniintii lasoo dhaafay weerar qaraxyo Ismiidaamin ah ku bilaawday kula wareegtay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Ciidanka Mcaawiisleey ee Bariga Hiiraan ayaa wacad ku maray In ay iska Difaacayaan Kooxda Argagixisada ee Alshabaab 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*