October 11, 2025

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Oo Sheegay In 21 ka mid ah howl wadeenadeeda Dibeda Loo Diray

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sagootiyay 21- ka mid ah howl wadeenada hay’adda oo u ambabaxay tababar ku saabsan hagista diyaaradaha (Air Traffic Control – ATC), gaar ahaan qeybaha Aerodrome Control, Approach Control, iyo Area Control Center.

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu sagootinaayay howl wadeenada tababarka u ambabaxayay ayaa ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Cadde, waxaana halkaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maareeyaha guud ee hay’adda Axmed Macalin oo munaasabada ka hadlay ayaa ku dhiirigeliyay howl wadeenada inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda tababarka ee ay Hay’addu u suurtagelisay, islamarkaana laga doonayo iney dalka dib ula soo laabtaan aqoon iyo khibrad dheeraad ah oo ay ku hormariyaan adeegyada Duulista Dalka.

“Shaqaalahan waa laf-dhabarta nidaamka Duulista, Tababarka ay qaadanayaan wuxuu sare u qaadi doonaa xirfaddooda iyo tayada adeegyada ATC ee dalka, tababarka wuxuu ka koobnaan doona theory iyo practical, kaaso leh aqoon dhamaystiran oo ku saabsan hagista diyaaradaha” ayuu yiri Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Axmed Macalin Xasan.

Dhanka kale Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa Sheegay  in talaabadan ay qayb ka tahay dadaalada lagu xoojinayo awoodda iyo tayada hagista diyaaradaha, taasoo muhiim u ah kor u qaadista amniga iyo badqabka Hawada Soomaaliya.

Dhinaca kale Ma ahan markii ugu horeysay oo ay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay tababar u dirto koox ka mid ah howl wadeenadeeda Hase ahaatee waxaa Jira Koox kale OoM dalka Qatar uu tababar uga socda howlwadeeno ka tirsan hay’adda oo la filayo inay dhawaan dalka dib ugu soo laabtaan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*