
Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheyneysa dhimista ballaaran lagu sameeyo shaqaalaha hay’adda sirdoonka CIA-da iyo qeybaha kale ee nidaamka sirdoonka dalka, sida uu qoray wargeyska The Washington Post.

Warbixinta ayaa sheegaysa in CIA-du qorsheyneyso in ay dhimto ilaa 1,200 oo shaqaale ah, iyadoo kumannaan kale laga dhimi doono hay’adaha kale ee sirdoonka Mareykanka.
Talaabadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah qorshayaasha Madaxweyne Trump uu ku yareynayo baaxadda iyo kharashaadka hay’adaha dowladda federaalka.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli weli Trump wado isbedellada siyaasadeed ee maamulkiisa ku sameynayo hay’adaha muhiimka ah ee amniga iyo sirdoonka, taasoo dhalisay dood ka dhex taagan Aqalka Cad iyo saraakiisha sirdoonka.
Ilo ku dhow arrintan ayaa sheegay in qorshahan si rasmi ah loo shaacin doono toddobaadyada soo socda, waxaana laga yaabaa inuu saameeyo howlaha la xiriira ammaanka iyo wadaagga sirdoonka caalamiga ah.
CIA waa hay’adda dhexe ee sirdoonka Mareykanka oo u xil saaran ururinta, falanqaynta, iyo u gudbinta xogaha sirdoonka dibadda si loo ilaaliyo amniga qaranka.
Waxay sidoo kale fuliyaa hawlgallo sir ah oo aan gudaha dalka ka dhicin, iyadoo ka shaqeysa ka hortagga khataraha caalamiga ah sida argagixisada, xasillooni-darrada siyaasadeed, iyo weerarrada amni ee ka imaan kara dibadda
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag