October 7, 2025

Maamulka SSC Oo Yiri”lama Joogo Waqtigii Saciid deni Noo Meeri lahaa Danhayaga Dowlada Federalka waan la macaamilaynaa”

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa  rasmi ah uga falceliyay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo ahaa in Puntland ay ka xuntahay xiriirka SSC-Khaatumo ay la yeelatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa sheegay in maamulkoodu aanu waajib ku ahayn inuu Puntland kala tashado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe, isagoo ku adkaystay in labada dhinacba ay xaq u leeyihiin inay si madaxbannaan ula macaamilaan dowladda Federaalka.

Xiriirka aan la leenahay dowladda Federaalka waa mid sharci ah oo aan xaqa u leenahay, sida ay Puntland ula xiriirto dowladda dhexe iyada oo aan nagu soo wargelin. Sidaas darteed, ma jirto sabab aan ugu baahanahay talo iyo oggolaansho waydiisano Puntland,” ayuu yiri Warsame.

Wasiirku wuxuu si gaar ah u dhaleeceeyay xiriirka Puntland ay la leedahay waxa uu ugu yeeray “maamul gooni u goosad ah oo ka shaqeynaya kala qeybinta Soomaaliya,” isaga oo sheegay in ay tahay arrin sharci darro ah in lala shaqeeyo Somaliland.

“Puntland nama aysan la tashan markii ay la macaamileyso maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland. Marka, maxay tahay sababta annaga nala gu sugayo in aan kala tashanno xiriirkeenna sharciyeysan ee aan la leenahay dowladda Federaalka?” ayuu yiri Warsame.

Wasiir Warsame wuxuu  sheegay y in SSC-Khaatumo ay marar badan isku dayday in ay xiriir toos ah iyo wada-hadal la yeelato Puntland, balse aysan helin wax jawaab ah, gaar ahaan dhanka Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo wuxuu sheegay in maamulka SSC uu dantooda siyaasadeed iyo midda shacabka ku arkay inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale carabka ku adkeeyay in kuraasta baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay SSC-Khaatumo hadda kadib aan laga soo dooran doonin Puntland.

Si kastaba ha ahaate Maamulka Puntland ayaan ku faraxsaneen aqoonsiga Cusub ee SSC Khaatuma sababtoo waxa ay loolan siyaasadeed la geli doonaan maamulka Majeerteeniya ee ka dhisan Garawe waana arin ku adag in ay ka gaaraan Guulo siyaasadeed rrimaha Somaliya. Dhanka kale Maamulka SSC Ayaa asigana guulo ka gaaray Halgankiisii ahaa Xureeynta Deegaanadooda waxa ay u tahay Mustaqbal wanaagsan oo fursado siinaya ka mid naqashada saaxada siyaasada somaliya

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*