
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo uu si rasmi ah uga qeyb-gali doona shirka Madasha wada-tashiga qaranka, islamarkaana uu gaarsiiyay casuumaad uu madaxweynuhu u diray.

Sidoo kale Qodobkan ayaa kamid ah waxyaabihii ay dadka deegaanadaasi mudada ku taamayeen, ayadoo SSC-Khaatumo ay noqanayso maamulka 7-aad ee shirkaas ka qeyb-galaya markii lagu daro gobolka Banaadir iyo 5-ta dowlad goboleed.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa weli Laascaanood ku sugan, asagoo halkaas ka wada kulamo uu la yeelanayo maamulka iyo qeybaha bulshada, waxayna dadka deegaanku rajo weyn ka qabaan inay heli doonaan xuquuq lamid ah midda maamullada kale.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag