Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ayaa soo saartay digreeto ay ku amrayso Guddoomiyaha Gobolka Selel in aan lagu qaban karin gudaha gobolkaasi shirar, kulamo ama isu-soo-baxyo aan oggolaansho rasmi ah ka haysan Xukuumadda Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa si cad u sheegay in cid kasta oo ku baaqda ama iclaamisa shir aan oggolaansho ka haysan Xukuumadda Somaliland, isla markaana wax yeeli kara amniga iyo xasilloonida gobolka, laga qaadi doono tallaabo sharci ah, iyadoo la horgeyn doono hay’adaha garsoorka.
Amarka xukuumada ayaa soo baxay kadib khilaaf dhawaanahan ka taagna munaasibad la doonayay in lagu xuso Xeer Ciise, oo qaybo kamid ah dadwaynaya ku dhaqaxan gobolka Salel ay kasoo horjeedsadeen taasi oo gobolka ka abuurtay xasillooni daro.
“Qof kasta ama koox kasta oo isku dayda inay ku baaqdo ama qabato shir aan oggolaansho ka haysan xukuumadda, tallaabo adag oo waafaqsan sharciga ayaa laga qaadi doonaa,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Sidee ku bilaabantay xiisadda u dhexeysa beelaha wada dega gobolka Selel?
2-dii Oktoobar ayuu qalalaase koobani ka dhacay magaalada Saylac kadib markii mid ka mid ah beelaha daga magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salel ay gabi ahaanba diiday in munaasibadda maamuuska xeerkan lagu qabto magaalada, iyaga oo ku dooday in magaalada iyagu leeyihiin, oo ayna ogolayn in wax aan lagala tashan laga sameeyo.
“Waxaad ku qancaysaa waa xabade soo diyaargarow, xeerka xaaraanta ah la keeni maayo Saylac, dadkii lahaa ayaa Magaalada Saylac Ayaa Jooga . Wax aanaan anagu samayn cid ka samayn karta gobolka ma jirto, dadku waa reer Somaliland, cadowgayagu waa cadowga Somaliland,” ayay yidhaahdeen odayaasha kasoo horjeeda xeerka.
Waxay ku eedeeyeen dadka wadda Xeer Ciise inuu lidi ku yahay Somaliland, isla markaana laga soo abaabulay magaalada Xamar; iyaga oo ku dooday in iyagu ay odayaal ka deegaanka ka yihiin, isla markaana ugu baaqay xukuumadda inay tallaabo ka qaado dadka wadda xeerkan.
Odayaasha dhanka kale ayaa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Cabdi, ku eedeeyay inuu masuul ka yahay qalalaasaha ka dhacay magaalada Saylac, isla markaana dhallinyaro ka timid magaalada Borama oo lagu sheegay inay yihiin dalxiisayaal uu kusoo daabulay magaalada, taasoo keentay qalalaase.
Dhallinyaro dhinaca kale ah ayaa iyaguna ku andacooday in magaalada lagu soo daabulay dhallinyaro ka socda Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo weeraray niman odayaal ah oo magaalada si nabad ah ku joogay.
“Fidmo haddii ay dhacdo, Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa la sheegay inuu masuul yahay. Ma odhanayno Samaroon ayaa diray dhallinyaro, madaxweyne ku xigeen ayaa diray. Maanta waanu ka hortagnay, waxa ay dhalli doonto ninkii caqli leh ayay u muuqataa,” ayay yidhaahdeen odayaasha xeerka dabada ka wada.
Booliiska Somaliland ayaa maalintaa kala eryay dhallinyaro kasoo kala jeeda labada dhinac, oo xurgufi ku dhexmartay magaalada. Isla markaana, xaaladda magaalada ayaa daganayd wixii intaa ka danbeeyay, hadaba wafti sare oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha guddaha ayaa maanta u baxay Saylac kadib go’aanka lagu joojiyay munaasibada Xeer Ciise.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag