October 7, 2025

Maamulka Puntland Qofkii qaata Kaarka NIRA waxa uu lumin doonnaa xuquuqda Muwaadinnimo ee Puntland”

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa ku hanjabay in tallaab adag ay ka qaadayaan qof weliba oo qaata Kaarta aqoonsiga muwaadinnimo ee Hay’adda NIRA bixineyso.

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in qofkii qaata kaarta uu dhumin doonno xuquuqda muwaadinnimo ee Dowlad-Goboleedka Puntland maadaama jiritaanka hay’adda NIRA uu ku tilmaamay mid aan ku dhisneen Dastuurka Dalka sida uu hadalka u dhigay.

Qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonnaa Xuquuqda Muwaadinnimo ee Puntland, Dadbaa inta tagaan ayay leeyihiin aqoonsi Ayaan ka qaadaneynaa, horta dastuur ahaan ayaa jiritaankeeda la isku hayaa” Gudoomiye Faysal Sheekh Cali.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer kahor timid tallaabooyin kala duwan oo ay qaadeen Hay’adaha Dowladda Federaalka sida Imtixaanka Mideysan, Diiwaangelinta Muwaadiniinta codeynaya, Guddiga Doorashooyinka iyo kuwo kale.

Puntland ayaa qiil ka dhigatay in dhismaha Hay’adahaas iyo gaarista go’aamada qaar ay bannaan joog ka ahayd sidaas awgeed loo baahan yahay in madal la isugu yimaado lagana wadahadlo waxa xalka ah si mowqif mideysan loogu wajaho sida hadalka loo dhigay.

Hay’adda bixineysa kaararka aqoonsiga Muwaadinka ee NIRA ayaa dardargelisay howlaha ay qabaneyso, ma jiro war kasoo baxay Hay’addaan oo ay uga jawaabeyso Cadaadista Guddoomiye Faysal Sheekh uu saarayo Dadka Mudug ee qaadanaya kaarkaas.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*