October 26, 2025

Maamulka Puntland Oo Xakuntay Kalluumaysato u Dhashay Dalka Iiraan Oo Lagu Qabtay Xeebaha G/ Bari

Maamulka Puntland ayaa Xakum Maxkamadd Ku Xakumay 15 kalluumeysato ah oo u dhashay Iiran midkiiba $500 oo ganaax ah iyo in dalkooda loo musaafuriyo, kaddib markii lagu qabtay iyagoo sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland.

Sidoo kale, Maamulka  Puntland ayaa xukuntay in aan loo qabsan magtooda laba nin oo Iraaniyiin ah oo ku geeriyooday intii lagu jiray howlgalka lagu soo qabanayay kalluumeysatadan, iyadoo maxkamaddu go’aamisay in raggaasi ay dhinteen iyagoo ka baxsanaya gacanta hay’adaha amniga.

Sidoo kale Laba nin oo Soomaali ah oo la socday kalluumeysatadan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $2,000, halka hal eedeysane kale oo baxsaday lagu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo $5,000 oo ganaax ah.

Dhanka kale Maxkamaddu Waxa ay go’aamisay in doonta lagu qabtay howlgalka lagu ganaaxo $70,000 iyo in maamulka Puntland uu la wareego kalluunkii saaran, kaas oo si sharci-darro ah looga qaadanayay xeebaha Maamulka Puntland ee Somaliya 

Hase ahaatee Xukunkaan ayaa kusoo aaday, xilli kalluumaysiga sharci darrada ah uu dhibaato ku weyn ku hayo shacabka Puntland ee ku dhaqan degaanada xeebaha, kuwaas oo dhibbane u noqday maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ee kalluumaysiga sharci darrada kawada halkaas.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*