
Wasiirka Caddaaladda Maamulka Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey is-dhaafsiga maxaabiis dhexmaray dowlad-goboleedyada Puntland iyo Somaliland, taasoo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, amniga, iyo isdhexgalka bulshada.

Mudane Cabdiwahaab ayaa sheegay in Puntland ay maanta ku wareejisay dowladda Somaliland 15 maxbuus, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay Gobolka Sool sanadkii 2023. Dhanka kalena, Somaliland ayaa ku soo wareejisay Puntland 11 maxbuus, kuwaas oo horey loogu qabtay isla dagaalladaasi.
“Waxaan ku faraxsanahay in tallaabadan ay tahay mid dhiirrigelinaysa walaaltinimada, iskaashi amni, iyo horumarka ganacsi ee labada dhinac. Waxaa sharaf noo ah in wiilal Soomaaliyeed oo muddo labo sano ah xabsi ku jiray maanta dib u helaan xorriyadoodii, una laabtaan qoysaskooda,” ayuu yiri Wasiirka.
Tani waxay muujinaysaa dadaal wadajir ah oo lagu yaraynayo xiisadaha, laguna dhiirrigelinayo nabad waarta oo gobolka ka hanaqaada. Waxaa sidoo kale loo arkaa fursad muhiim ah oo lagu dhisayo kalsoonida u dhexeysa labada maamul.
“Nin yaqaan wuxuu ka dagaallamay, ayaa nabad keena, nololna abuura,” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.
Tallaabadan ayaa laga filayaa in ay dhiirrigeliso is-afgaradyo dheeri ah oo labada dhinac ay ku wajahaan arrimaha nabadeynta iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag