Sidoo kale Xeerkan cusub ayaa u oggolaanaya hay’adaha amniga Maamulka Puntland inay qaadaan tallaabooyin gaar ah oo qaarkood ka baxsan yihiin xeerarka caadiga ah ee Dastuurka Maamulka Puntland.

Sidoo kale Waxaa ka mid ah in hay’adaha amnigu geli karaan guri ama goob uu ku sugan yahay qof la tuhunsan yahay, iyaga oo aan wadan waarant garsoore, iyo sidoo kale in ay dhegaysan karaan taleefannada dadka looga shakiyo inay ku lug leeyihiin hawlaha argagixisada.
Sidoo kale Xeerkan ayaa ciqaab adag u dhigaya cid kasta oo ka tirsan ama gacan siisa kooxaha argagixisada, kuwaas oo mutaysan kara xabsi gaaraya xabsi 20 sano ah ama xukun dil ah, iyadoo lagu xakameynayo taageerada iyo ka qaybqaadashada falalka amni-darrada ah.
Dhanka kale Baarlamaanka Puntland ayaa xeerkan ku daray faafinta rasmiga ah kadib markii uu madaxweynuhu saxiixay 8-dii Oktoobar, taas oo ka dhigan in uu si rasmi ah u dhaqan galay. Waxaa la filayaa in dadka hadda u xiran dambiyada argagixisada lagu dabaqo xeerkan cusub.
Si kastaba ha ahaatee Maamulka Puntland ayaa haatan dagaal culus kula jirta ururka Daacish, oo muddo ku dhow 15 sano saldhigyo ku lahaa deegaanno ka tirsan gobolka Bari.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wejiga ugu dambeeya ee dagaalka Daacish uu noqon doono la xisaabtanka dadka xiriirka dhow la leh ururkaas.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag