
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, ayaa si cad u sheegay in Khaatumo ay ahayd mid Puntland ay xoraysay, islamarkaana dhaawacyadii dagaalladii dhacay ay iyagu daweeyeen.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in maamulka Khaatumo aysan helin wax taageero ah oo muuqda oo ka timid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ama dowladda federaalka.
“Firdhiye hal doollar ma bixin; isma lahayn Xasan Shiikh baa idinka qaadaya,” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor, isagoo ula jeeday in taageerada ay filayeen shacabka deegaanka aysan ka iman meel kale oo aan ahayn Puntland.
Wuxuu sidoo kale xusay in weli aan xal kama dambeys ah laga gaarin xaaladda siyaasadeed ee deegaannada SSC-Khaatumo, isagoo ugu baaqay in talada la isugu yimaado si looga arrinsado mustaqbalka gobolka. “Weli lama-kala-bixin ee talo isugu keenkeena,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu si cad u sheegay in sheegashada ah in Sanaag aysan ka tirsaneyn Puntland ay tahay mid aan sax ahayn. “Warsangelina waa PL, sax maaha in la sheegto inay ka baxsan tahay,” ayuu ku adkeeyay.
Si kastaba ha ahaatee Halka ka so yeeraya Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland ayaa u muuqda Cadaadis uga imaanaya Madaxweyne Saciid Deni in uu ku dhiirada Hadalka ah Ma aqoonsanin Maamulka Cusub ee Waqooyi bari somaliya.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag