Maamulka Puntland ayaa gabi ahaanba joojisay mushaharkii iyo raashinkii ay siin jirtay ciidamadii ka howlgalayay gobollada Sool iyo Cayn, kaddib markii deegaanadaas ay noqdeen maamul madax-bannaan oo lagu magacaabo Waqooyi Bari.

Wararka ayaa sheegaya in go’aankan uu ka dhashay caro ay qaaday Puntland, kaddib markii qaar ka mid ah ciidamadii iyo saraakiishii ku sugnaa gobolladaas ay ku biireen maamulka cusub, isla markaana ay diideen inay ku shaqeeyaan awaamiirta dowladd goboleedka Puntland.
Ciidamada laga joojiyay mushaharka waxaa kamid ah kuwo hoos yimaada madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Axmed Karaash, oo kamid ah siyaasiyiinta door weyn ku lahaa dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Sidoo kale Saraakiisha ciidamadaas ayaa dhawaan kulan la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, oo kasoo jeeda gobolka Sool, iyagoo ka codsaday in uu wax ka qabto go’aanka lagu joojiyay mushaharkooda iyo raashinkooda.
Hase ahaatee Waxay sheegeen in muddo saddex bilood ah aysan helin wax mushaar iyo raashin ah, isla markaana ay ka fiirsanayaan tallaabooyin ay qaadaan, oo ay ku jirto in ay jidgooyooyin dhigtaan haddii aan laga jawaabin cabashadooda.
Dhinaca kale Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Puntland uu sidoo kale mushaarkii iyo adeeggii ka goostay ciidanka guutada Danab oo uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag