Mamulka Puntland ayaa sheegtay in aysan qayb ka ahayn ansixinta Sharciga Tamarta Soomaaliya iyo dhismaha Hay’adda Tamarta Qaranka (NEA), iyadoo sheegtay in arrintaasi ay ka hor imaanayso Dastuurka Federaalka iyo kan Puntland.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha Puntland, ayaa lagu sheegay in sharcigan iyo hay’addan cusub lagu ansixiyay hab aan loo marin wada-tashi iyo hab-raac federaal oo dhammaystiran.”
Maamulka Puntland waxay sheegtay in arrintu si gaar ah u khusayso maamulidda tamarta, oo ay u aragto awood ay leeyihiin maamul-goboleedyada, iyada oo u cuskatay qodobbada awood-qaybsiga dastuuriga ah.
Maamulka Puntland waxay ku doodday in aysan wax door ah ku lahayn soo diyaarinta ama ansixinta sharciga cusub, taas oo ay ku tilmaantay in ay dhaawac u geysan karto nidaamka federaalka iyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.
Dhanka kale, Maamulka Puntland waxay ku eedeysay dowladda federaalka in aan lagu darin wada-tashi ku saabsan doorka ay maamul-goboleedyadu ku yeelan doonaan hay’adda NEA, isla markaana aan la tixgelin xaaladda gaarka ah ee dastuurka qodobka 142 uu siiyo Puntland iyo Somaliland.
Mowqifka Puntland
Wasaaradda Tamarta Puntland ayaa ku caddeysay warqaddeeda saddex qodob oo ah go’aanka rasmiga ah ee Dowladda Puntland:
In Sharciga Tamarta Soomaaliya uusan ka hirgelikarin deegaanada Puntland.
In Hay’adda Tamarta Qaranka aysan ka howlgalikarin Puntland.
In loo baahan yahay wada-xaajood lagu qeexo doorka Puntland, laguna xalliyo khilaafka ka dhashay hab-raaca sharci-dejinta.
Ugu dambeyn, Puntland ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka in ay ka fogaato siyaasadeynta adeegyada muhiimka ah, ayna ixtiraamto hab-raaca federaalka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac. Wasaaraddu waxay sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadal furan oo ku saleysan dastuurka dalka.



Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag