Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 13 qof lagu dilay duleedka degmada Walanweyne, gaar ahaan deegaanka Gareeri, kadib markii rag hubeysan oo la sheegay in ay wateen dareeska ciidamada Koofur Galbeed ay rasaas ku fureen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Warta-C/raxman.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in dadka lagu ururiyey goobta ka hor intaan rasaasta lagu furin, isagoo ku tilmaamay dhacdadan “isir sifeyn” ay fuliyeen ciidamo isku ekaysiiyey ciidamada maamulka Koofur Galbeed.
Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay gaarayaan 13 ruux, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo shan kamid ah xaaladdoodu aad u liidato.
Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhacdadan.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag