January 15, 2026

Maamulka Jubbaland Oo Ka Horyimid Goankii Laga Soo Saaray Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu buriyo heshiisyadii ay horay ula gashay Imaaraadka Carabta.

Maamulka Jubaland waxay sheegtay in heshiisyada la xiriira horumarinta, ganacsiga iyo amniga ay ka mid yihiin awoodaha ay Dastuur ahaan u leedahay, sidaas darteedna aysan Dowladda Federaalka xaq u lahayn inay baabi’iso ama wax ka beddesho.

 Sidoo kale Waxa ay xaqiijisay in heshiisyadaasi sii shaqaynayaan ilaa ay iyadu go’aan ka gaarto.

 

Si kastaba ha ahaate maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa u sameeysan in lagu cunaqabateeyo dowladnimada somaliya waxaana la tuhmayaa in ay doonayaan in dalka sidaa lagu kala jaro.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*